U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Hirgelisay Hannaanka Casriga ah ee Maareynta Gal-dacwadeedyada Maxkamadaha

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay hannaan casri ah oo lagu maareynayo gal-dacwadeedyada maxkamadaha, nidaamkan ayaana loogu tala-galay inuu si weyn u fududeeyo habraaca garsoorka, kuna xiro hayโ€™adaha kala duwan ee cadaaladda dalka.

Munaasabad si heer sare ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay hannaankan cusub, waxaana ka qeyb-galay masโ€™uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka socda Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranka, iyo saraakiil ka tirsan hayโ€™adaha amniga iyo dembi-baarista.

Hannaankan cusub, oo ay maalgelisay dowladda Mareykanka, ayaa ah nidaam casri ah oo isku xira dhammaan heerarka kala duwan ee maxkamadaha dalka, laga bilaabo maxkamadaha hoose ilaa Maxkamadda Sare, ayadoo ay ujeeddadu tahay in uu hormariyo hufnaanta, daahfurnaanta, iyo waqtiga lagu dhameeyo dacwadaha, iyadoo la yaraynayo dib u dhaca iyo khaladaadka gacanta lagu maamulo.

Xeeldheereyaasha ayaa qaba in nidaamkan uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono xoojinta kalsoonida shacabka ee garsoorka, isla markaana uu dhiirrigelin doono caddaalad degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba ha ahaatee Daahfurka hannaankan casriga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan dhisidda nidaam cadaaladeed oo hufan, casri ah, isla markaana la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah.