U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka oo Qabtay Sarkaal ISIS ah oo ka Soo Jeedo Kurdiyiinta Turkiga

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorshaysan ku qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ururka ISIS, kaas oo la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo Kurdiyiinta dalka Turkiga.

Howlgalkan ayaa ka dhacay buuraleyda Cal Miskaat ee gobolka Bari, halkaas oo ay muddooyinkii dambe ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo amni oo ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysan gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay in ninkan lagu qabtay inta lagu guda jiray hawlgal qorshaysan, isla markaana uu ku sugnaa meel u dhow deegaanka Ceeldaahir. Waxaa la sheegay in lagu hayo baaritaan ku saabsan xiriirkiisa iyo kaalinta uu ka qaadan jiray howlaha ISIS ee gobolka.

“Howlgalka maanta guul weyn ayuu noo ahaa. Ninka aan qabanay waa ajnabi, waxaana hadda xaqiijinay in uu ka soo jeedo Kurdiyiinta Turkiga, wuxuuna xiriir dhow la lahaa hogaamiyeyaasha ISIS ee ku sugan buuraha Cal Miskaat.” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga sifeeyo guud ahaan gobolka dagaalyahannada ISIS, kuwaas oo mararka qaar weerarro gaadmo ah ka fuliya deegaannada buuraha iyo agagaarka xeebta.