Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu diley hoggaamiye sare oo Alshabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan,lagu dilay Cali Axmed Guure, oo loo yaqaanay Cali Qoyane oo kamid ahaa hoggaamiyaasha kooxda Alshabaab ee gobolkaas.
Sida ay dowladdu sheegtay Cali Qoyane ayaa loo aqoonsanaa mid ka mid ah horjoogayaasha ugu firfircoon ee kooxda Alshabaab, isagoo muddo sanado ah ku lug lahaa weerarro, qaraxyo, iyo falal amni-darro oo ka dhacay gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si taxaddar leh loo diyaariyay, isla markaana lagu bartilmaameedsaday goob gaar ah oo uu hoggaamiyaasi uu ku sugnaa, dagaal kooban oo dhacay kadibna lagu dilay Cali Qoyane, iyadoo la xaqiijiyay in xubno kale oo kooxdiisa ka tirsan ay halkaas ku dhaawacmeen.
Howlgalka Mubaax ayaa qayb ka ah howlgallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka Hiiraan wadaan ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo muddo labaatan sano ku dhow dagaal joogto ah kula jirta dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.