U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray xildhibaanada Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxaa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika  (EAC)

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika  (EAC), isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.