Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey nin xaaskiisa Toorey ku diley

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley ayaa soo qabtay nin lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey.
Falka dilka ah ayaa galabnimadii Jimcaha ka dhacay degmadaasi Garasbaaley, iyadoo ay isla markiiba ciidamadu billaabeen baadi-goobka dilaaga,kadib markii dad deegaanku ku soo wargeliyeen dhacdada.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir eeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta booliska, halka meydka marxuumadda la geeyay isbitaal si baaritaan caafimaad lagu sameeyo.
Boolisku waxay sheegeen in kiiskan loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan rabshadaha xilliyada khilaafaadka qoysaska, isla markaana ay adeegsan karaan hay’adaha sharciga iyo wada-hadal nabadeed.