Maamul goboleedyadu ma tartan ciidan ayay kula jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya?

Hannaanka Federaalka Soomaaliya waa hab loogu talagalay in uu qeybiya awoodaha maamul iyo adeegyada, balse uu mideeyo hay’adaha qaranka, gaar ahaan kuwa amniga iyo difaaca, hayeeshee ahaatee dowlad-goboleedyada qaarkood ayaa u dhaqma sidii dawlado madax-bannaan, iyagoo dhistay ciidan iyo hay’ado amni oo aan si buuxda uga amar qaadan dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Ciidamada Dowlad-Goboleedyada iyo Awooddooda
Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu qeexayaa in difaaca qaranka iyo amniga guud ay masuuliyaddeeda leedahay dowladda Federaalka, halka dowlad-goboleedyaduna ay maamuli karaan boolis iyo ciidamada degaanka si ay u sugaan nabadgelyada gudaha, balse qaarkood waxay dhiseen ciidamo u gaar ah oo u dhisan qaab milatari, kuwaas oo mararka qaar ka madax bannaan nidaamka federaalka.
Puntland iyo Somaliland, Maamullo leh Ciidan Madax-bannaan
Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee la aasaasay sanadkii 1997-dii, waxay leedahay hay’ado amni oo ay ka mid yihiin Puntland Security Force (PSF) iyo Puntland Maritime Police Force (PMPF), ciidamadan ayaa si weyn u tababarro uga hela dalal shisheeye sida Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo sameeya hawlgallo amni oo aysan DFS wax lug ah ku lahayn.
Puntland waxay dhowaan diiday in ay aqoonsato isbeddelladii dastuurka Federaalka, taasoo sii muujineysa kala fogaanta dhinaca siyaasadda iyo amniga.
Dhanka kale, Somaliland oo ku dhawaaqday madax-bannaani 1991-kii inkasta oo aan weli la aqoonsan waxay leedahay ciidan nooc walba leh, sida boolis, militari iyo sirdoon u gaar ah.
Ciidamada Somaliland waxaa tababaro iyo taageero qalabeyneed siiya UK, Itoobiya iyo Midowga Yurub, iyo Imaaraadka, ayadoo Hargeysa ay si walba u diidantahay Qarannimada iyo hannaanka Federaalka Soomaaliya.
Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Tusaalayaal Kale oo Khilaaf Amni ah
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dhowaan ku faanay in maamulka Jubbaland uu dhistay sirdoon awood badan oo ka hawlgala guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana ka tayo badan hay’adda sirdoonka Qaranka (NISA).
Jubbaland sidoo kale waxay leedahay ciidan gaar ah oo loo yaqaan Jubaland Darawiish Force, kuwaas oo taageero iyo qalab kala duwan ka hela dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Imaaraadka,wuxuuna maamulkaasi dhowr jeer xiisad siyaasadeed kala horyimid dowladda dhexe.
Koonfur Galbeed dhankeeda, inkastoo ay xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda dhexe, haddana waxaa jira ciidan gaar ah oo la sheegay in uu tababaro Ingiriisku, waxayna ciidamadani si rasmi ah uga amar qaataan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka iyo Kala Duwanaanta Tababarka Ciidamada
Dowladda Federaalka lafteedu waxay ku tiirsan tahay ciidamo ay tababareen dalal kala duwan sida Mareykanka,Turkiga, Eritrea, Uganda, Masar, iyo Imaaraadka, halka qaarkood xitaa mushaarkooda ay bixiyaan dalalkaasi.
Kala duwanaanshahan ayaa keenay inuusan jirin nidaam mideysan oo lagu hago ciidamada Qaranka, sidaa darteed, waxaa adkaatay in la helo ciidan isku fikir ah oo masuul ka noqon kara difaaca iyo amniga dalka oo dhan.
Khabiirrada amni iyo siyaasadda waxay ku taliyayaan dhowr qodob oo ay kamid-yihiin:
1. In laysku dubarido ciidan mideysan oo ay dowlad-goboleedyadu ku biiraan nidaamka qaranka.
2. In la sameeyo shuruuc cad oo qeexaysa awoodda iyo mas’uuliyadda ciidamada heer gobol iyo heer qaran.
3. In la gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu dhameeyo kalsooni darrada u dhaxeysa madaxda goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Si kastaba ha ahaatee arrinta ciidamada dowlad-goboleedyada ayaa noqotay ayaa kamid ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha dawlad federaal oo xooggan, ayadoo aysan jirin rajo ah in waqti dhow la heli karo ciidan mideysan oo dalka oo dhan masuul ka noqon kara.