U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay duleedka Maxaas lagu dilay 7 xubnood oo Alshabaab ka tirsan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka waxaa lagu dilay Toddobo xubnood, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin fariisin u ahaa kooxda Al-Shabaab sida ay sheegtay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay xubno Al-Shabaab ahi ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Kooxdaas ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dagaalame oo kale, iyada oo ugu dambeyna beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Kooxdu halkaas ku diyaariyeen si ay isugu abaabulayeen.

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo ay wadeen xubno katirsan Al-Shabaab, oo watay gaadiid dagaal, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaana suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro kooxdii abaabulka wadday.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ka go’an in meel kasta lagu beegsado Alshabaab, sida lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda.