Masar oo ku dhow in ay ciidamo u dirto Soomaaliya xilli ay xoogeysatay xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya

Dowladda Masar ayaa shaacisay inay soo geba-gebeyneyso diyaar garowga ciidamo looga diri doono Soomaaliya, kaddib kulan ay magaalada Aswan ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali.
Kulanka oo ka dhacay hareeraha “Aswan Forum for Sustainable Peace and Development” ayaa labada mas’uul ku falanqeeyeen howlaha socda ee la xiriira dejinta ciidanka Masar ee qeyb ka noqonaya howlgalka AUSSOM (African Union Support and Stabilization Mission in Somalia).
Wasiir Badr Abdelatty ayaa mar kale xoojiyay sida Qaahira uga go’an tahay in ay taageerto dadaallada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo xusay in codsigoodii sharciyeynta dirista ciidanka Soomaaliya la ansixiyay bilo kahor.
Mas’uulka ayaa tilmaamay in rajo weyn laga qabo in ciidanku si degdeg ah u soo dego, maadaama wafdi ka socday Masar oo dhawaan booqday Soomaaliya ay hore u aqoonsadeen meelaha lagu dejinayo ciidamada marka ay yimaadaan.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ee Masar & Itoobiya ee ku saabsan wabiga Nile-ka ay cirka isku sii shareerayso, halka Soomaaliya iyo Itoobiya ay sidoo kale isku hayaan heshiiska muranka dhaliyay ee Berbera.