Ciidanka daraawiishta Galmudug oo diley 5 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa hawlgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaannada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, ku beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa u sheegay Warbaahinta in howlgalka lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan Kooxda, halka kuwo kale oo ay ku jiraan hoggaamiyaalna ay ku dhaawaceen.
Ciidamada ayaa howlgalka ku bartilmaameedsanayay fariisimo iyo godad ay Kooxdu aaggaas ku lahayd, waxaana la xaqiijiyey in dagaalamayaasha ay isaga bexeen goobihii ay ku lahaayeen deegaannadaas, iyagoo isku dayaya inay u kala baxsadaan jihada tuulooyinka kale ee ku teedsan Ceelgaras.
Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka wali uu socdo, iyadoo ciidamadu ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka, laguna beegsanayo kooxaha aaggaas ku sugan.