U bood dhigaalka

Mareykanka oo dib u eegis ku sameynaya Siyaasaddiisa Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa qorsheyneysa inay dib u eegto siyaasadda ay ku taageerto Soomaaliya, isagoo wajahaya caqabado ku saabsan dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu taageero u muujiyay in ciidamadiisu joogaan Soomaaliya, haddana Maraykanka wali wuxuu sii wadaa taageerada ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Danab iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkan, Washington waxay ka niyad jabtay horumar la’aanta dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo khilaafaadka joogtada ah ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, sidoo kale xiisadda sii kordheysa ee Somaliland iyo Muqdisho.

Maraykanka ayaa laga doonayaa inuu:

Cadaadis ku saaro madaxda Soomaaliyeed in ay heshiis ka gaaraan nidaamka doorashada 2026

Dhexdhexaadiyo khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland si loo mideeyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhiirrigeliyo dib u bilaabista wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

U diyaargaroobo suurtagalka wadahadallo lala furo Al-Shabaab si loo joojiyo dagaalka daba-dheeraaday

Maraykanka ayaa ka cabsi qaba in haddii uu si degdeg ah uga baxo Soomaaliya, uu dalku u nuglaado dib-u-soo xoogeynta Al-Shabaab, isla markaana uu lumo taageerada caalamiga ah ee hadda la siiyo dowladda Soomaaliya.

Maqaalkaas waxaa soo saaray International Crisis Group (ICG) — urur caalami ah oo madax-bannaan oo sameeya falanqeyn ku saabsan colaadaha iyo xalinta khilaafaadka dunida.