Waxaa la gaaray Casrigii Fanku dib u doob dilaacsan lahaa iyadoo Mahraajannadu iyo Feestooyinku Hormuud u yihiin!
“Weynida, hodantinnimada iyo jaadgoonninimada dhaqanka, waxa aan ka dheehan karnaa feestooyinkiisa iyo mehrajaannadiisa” Siddharth Katragadda
Fanku, waa mid kamid ah waxyaabaha ugu macnaha, nuxurka iyo qaayaha badan adduunka. Waxaa uu soo maray sida benii aaddamka oo kale wakhtiyo uu baarka sara joogay oo uu xiddigaha caweynayay iyo marar uu la daala dhacayay haruufka wakhti iyo kala gaddoonka waayaha, mar haddii uu yahay mid kamid ah hababka ugu qaddiimsan ee Insaanku uu ku cabbiro dareenkiisa iyo waaya aragnimadiisa.
Cahdiyadii ka horreeyay taariikhda (Prehistoric times) sawirro iyo farshaxan baaldoorro loo adeegsaday oo lagu farayareystay ayaa lagu xardhay dacallada iyo saqafyada godad qaddiim ah oo laga helay Isbayn, Indoniisiya iyo Faransa. Aaladda Bigilka (Flute) ayaa codadka tolmaan laga daydayi jiray meelo kamid ah Jarmalka iyo Islofeeniya, Hindiduna waxa ay ku dheygaagsanaayeen ka dhawaajinta aaladaha xargaha leh ee Gitaarku ugu mug weyn yahay, halka qeybo badan oo kamid ah dunidana Durbaanku uu ahaa aalad sare oo lagu madaddaasho.
Casriyadii Gariiga, Roomaanka iyo wakhtiyadii dhexe, fanku waxaa uu door weyn ka ciyaaray horumarka iyo horusocodnimada bulshooyinka, si gaar ah waxaa looga dareemay oo uu shilisiyay munaasabaadka diiniga ah iyo kuwa dowliga ah, caadaadka soo jireenka ah iyo isku imaatinnimada ruuxiga ah. Kolkii la gaaray casrigii fufka (Renaissance), dad badan waxa ay isku waafaqsan yihiin in fanku xaqiijiyay guulo waa weyn islamarkaana uu gaaray meelihii ugu sarreeyay taariikhda Insaanka.Ka bilaabashadiisii Taliyaaniga iyo faafiddiisii degdegga ahayd ee kuxigtay ee uu ku gaaray badanka Yurub iyo dhulal fog fog oo kamid ah dunida inteeda kale casrigii fufka waxa uudhabbaha u xaaray casri fanka iyo hal abuurku hanaqaad noqonayay, taas oo ay dheertahay in ay ku lamaanneyd isbaddal xowli ah oo ku imaanayay sida walxaha iyo aragtiyaha loo eegi jiray guud ahaan dunida. Tani ma waarin wax badan, illaa markiiba la gaaray casrigii Roomaansiga intii u dhexeysay hilaaddii 1800 illaa 1850 kii, kaas oo si xooggan uga falceliyay wixii hirgalay casrigii fufka, waxaa uu ahaa casri insaanku oo ku mashquulay horumarinta aqoonta, seyniska, caqliga iyo garashada isaga oo sidoo kalana diiradda saarayay fanka, khiyaalka, quruxda, awoodda dabeecadda iyo qiyamyada sarsare.
Horumarka laga sameyay wakhtiyadaas dhinacyada kala duwan ee nolosha waxa ay si qota dheer uga tarjumayaan baahiyaad iyo tabashooyin cayiman oo ka jiray dunida wakhti cayiman iyo goob cayiman. Tani waxa ay maanka dadka kusoo rideysaa su’aalo aad u xiisa badan oo ay tahay in si qota dheer loogu dhabba galo oo loola falgalo; su’aalahaas waxaa kamid ah ‘maxay dunidu u baahan tahay maanta iyo mustaqbalka fogba marka loo eego dhanka horumarinta fanka? Sidee ayaa se loo xaqiijin karaa himilooyinkaas? Iyo su’aalo lamid ah. Si jawaab hufan loogu helo su’aalahan jiraalleed, waxaa lagama maarmaan ah in la qiimeeyo oo la tixgeliyo xaaladda dunida ee wakhti xaadirkan iyo rejada mustaqbalka.
Xaalka Dunida ee Maanta!
Intiinnii xusuusata, habeenkii uu bilaabanayay qarnigan 21-aad iyo kunlihii saddexaad (third millennium), xusuustiisa waxaa dhamac kulul ka daaraysa sida dadka iyo guud ahaan dunida ugu faraxsanaayeen bilaabashada iyo dabaal dagga qarnigan cusub, meel kasta bululeer ayaa is qabsaday, reyn reyn iyo farxad ayaa lagu soo dhoweeyay iyadoo himilooyin waa weyn hiyga lagu wada hayay. Samaa la wada saadsanayay, kalsooniduna baarka ayeey joogtay, dadku waxa ay naawilayeen guga cusub iyo qarnigan kowsanaya dunidu samo u noqdo oo sixirku baabba’o. nasiib darro, hal dabshid uun kolkii ay kasoo wareegatay curashada qarniga cusub, dunidu waxa ay ku indha qaadday waaya aragnimooyin taban iyo dareenno qarracan leh kolkii uu dhacay weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xaruntii ganacsiga adduunka iyo Bentiggoonka Mareykanka, 11-kii September 2001-dii, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan laba kun iyo sagaal boqol oo qof (2,900 qof). Dareenkii uurkutaallada lahaa ee ay ka tagtay dhacdadaas waxa ay saameyn xooggan oo raad leh kaga tagtay dunida. Dhacdadan waxa aansi qota dheer uga dheehan karnaa sida dagdagga leh ee arrimaha dunidu isku badbaddali karaan si ka durugsan filashadeenna iyo ku talagalkeenna.
Ka qoynta iyo kala daadashada himilladii Insaanka ee la kowsatay qarnigan cusub halkaas kuma ekaan oo waxaa xigay dhiillo xooggan oo ka imaaneysay seynisyahannada iyo deegaan-dhowrayaasha oo sheegeysay in dunidu ay wajaheyso halis xooggan oo ka dhalatay xumaanshiyaha xiriirka insaanka iyo la falgalkiisa dabeecadda.
Bilowgii, arrintan waxa ay ku koobneyd daloollada lakabka Osoonka (Ozone Layer), isbaddalka cimilada iyo diirimobidda dunida (global warming) haka reebin degdeg-u-dhalaalidda barafka ee Koonfurta iyo Wuqooyiga fog. Faanoole fara kama qodna e, arrintu intaas waa ay kasii fogaatay oo waxa ay yeelatay weji duufaanno cabsi cabsi ah, dabeylo majo sheyddaan leh, daadad waxba-mahambeeyayaal ah oo ku habsaday dalagyada iyo dab naafeeyay keymo kaalin weyn kulahaa habsami u socodka nolosha aadanaha.
Hilaaddii 2020, markale waxa aan ku indha qaadnay safmarkii Karoona ee inta Wuhan Shiinaha ka bilowday dunida inteeda kale si isku mid ah u maasheeyay. Malaayiin qofood ayaa si aan horey loo fileyn ugu dhimatay COVID-19, halka weli malaayiin kalena ay la tacaalaayaan raadadkii uu kaga tagay noolaha. Waxaa laga dhaxlay dhabar jab gaaray nidaamka caafimaad iyo guud ahaan faaya dhowrka benii aaddamka, shaqa la’aan baahsan oo xitaa saameysay fanaaniinta oo qaar badan oo kamid ah ay ku waayeen shaqadoodii iyo ilihii dhakhli ee ay lahaayeen xilligaas, haddana nasiib wanaag kartidooda iyo farshaxankooda u kaalmeystay sidii ay uga maquuran lahaayeen xaaladdaas si lamid ah malaayiinta qofood ee iyagana iskooda u daala dhacayay.
‘Balaayo afkaba igama qaaddo’ waa tii hore looga sheegay nin oday ahe, kolkii sidaas looga soo luga laabtay xoogga aafada Karoona, waxaa markale aan marqaati ka noqonnay colaado iyo gacan ka hadal kumanaan nafood si nasiib darro ah ay ugu baxeen, haddii aan tusaalayaal usoo qaadanno dagaalka daba dheeraaday ee Ruushka iyo Yukrayn iyo kan bariga dhexe ka aloodsan ee u dhexeeya Isra’iil iyo Xamaas. Dhowaan waxaa iyana marxalad cusub ahayd doorashadii Mareykanka ee dib loogu doortay Donald Trump taas oo keentay loollan dhanka canshuuraha markii uu Mareykanku bilaabay in uu kordhiyo canshuurta badeecadaha iyo adeegyada taas oo qeyb ka ahayd balanqaadkii ahaa ‘Make America Great Again’ kaas oo ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo awoodda iyo maamulka Mareykanka.
Dhammaan qodobbadan isa soo tarayay ee hadba isbiirinayay, waxa ay dunida u siyaadiyeen walaac, baqdin, naceyb, hubanti la’aan, maaddaama heerka shaqa la’aanta, iyo suurtagalnimada waayidda ilaha dhaqaale ee qofka ay waddama badan ay korortay. Qiimeynta iyo jaangoynta xaaladda dunida waxaa door weyn ka qaatay oo saameeyay warbaahinta noocyadeeda kala duwan, haddii ay ahaan lahaayeen warbaahintii qaddiimka ahayd ee idaacadaha, joornaallada, Wargeysyada, Telefishinnada iwm, ama shabakadahan isku xiran ee ah baraha bulshada ay iskugu imaato, kuwaas oo u muuqda in ay u janjeeraan ama ku maman yihiin u kala baratamidda soo gudbinta xogaha kuwooda taban iyada oo aan la eegin ama la fududeysanayo dhammaan horumarrada, isbaddallada iyo howlaha wanaagsan eeka dhacaya dunida iyo sida malaayiin qofood oo adduunka ku nool ay ugu heellan yihiin faafinta nabadda iyo wanaagga. Shaki kuma jiro in adduunku maanta ku sugan yahay xaalad aad u murugsan, aan dhihi karno xaaladdii ugu murugta iyo jahwareerka badneyd marka loo barbardhigo wakhtiyadii hore.
Iyada oo ay dhacayaan waxaas oo idil, haddana weli miyaad dareentaa in adduunku noqday meel ba’day oo benii aaddamnimadu ku macno beeshay islamarkaana ay noqotay meel ka arradan shucuurta, dareennada, naxariista, dhaqanka iyo qiyamyada wanaagsan iyo mabaadii’da akhlaaqeed? Maxaanan loo filan in ay saas dhacdo mar haddiiba aan yareysannay oo aan waxba kasoo qaadi weynay aaladdii ugu muhiimsaneyd ee naga caawin lahayd in aan is jeclaanno, isku naxariisanno, oo wanaag iyo benii aaddanimo dhexdeenna iskula dhaqanno, waa fanka iyo culuumta bulshada (Arts and Humanities). Waa laba aalad oo muhiim u ah hanaqaadka bulshooyinka, hasa yeeshee si joogta ah hoos loogu dhigo muggooda iyo miisankooda iyadoo looga xaglinayo horumarinta dhaqaalaha, isbaddalka tiknolojiyadda, maalgashiga hantida maaddiga ah, lacagaha dijitaalka, miisaaniyadaha ku baxa horumarinta hubka militariga, dagaallada iyo difaacaba.
Waxaa hubaal, in waxa ugu badan ee loogu baahida badan yahay wakhtigan xasaasiga ah ee ay taariikhda dunidu mareyso ay tahay dib bus uga kicinta iyo kacaaminta iyo beeridda iniintii kobcin lahayd fanka iyo culuumta bulshada iyo ololayaasha la xiriira, sida uu kal horayba u yiri taariikhyahankii dhaqameed ee cabqariga ahaa Johan Huizinga.
“Horumarrada nololeed ee aan ka sameyneyno dhinacyada dhaqaalaha, awoodda, tiknolojiyadda iyo wax kasta oo biirinaya isku filnaanshiyaha maaddi ee nooluhu uu dalbanayo waxaa waajib ah in aan ku dheellitirno horumarin xooggan oo aan ku sameynoruuxaaniyaadka, afkaaraha, akhlaaqiyaadka iyo qiyamyada wanaagsan oo idil”. (1)
Haddii aysan dhicin isku dheellitirankaas, ma xalismi doonaan dhibaatooyinka la xiriira deegaanka ee aan la tacaaleyno, meesha kama bixi doonto kala sarreynta caddaalad darrada kudhisan ee ka jirta dhakhliga iyo hantida dunida, waxaa imaan doona oo ay hubanti tahay loollan isku baddali kara gacan ka hadal oo salka ku haya herdan dhul iyo kheyraad, meesha haka saarin dagaallo u dhexeyn kara waddama iyo bulshooyin kala duwan kuwaas oo noqon kara aafooyin horleh, xilli ay sii yaraanayaan qiyamyada iyo mabaadii’da quman ee insaanku lahaa.
Tani, waa dhabbe qodxa badan oo dhammaadkiisu yahay musiibo musiibo ku sug, mana lahan rejo, farxad iyo reynreyn.
Kacaaminta Awoodda iyo Tamarta Fanka
Si aan loo qaadin toobiyahaas baas ee belada miiran ah, basharkana loogu rido dhabbe toosan oo rejo maanta iyo mustaqbalkaba leh waxaa laga mamaarmaan ah in la helo saddexdan qodob loona qaato si dhab ah:-
- In Fanka loo qiimeeyo loona arko in uu yahay kayaan iyo hadaf iskiisa u taagan oo uusan keliya ahayn wasiilo iyo dhabbe loo maro ahdaaf kale.
- In si buuxda looga faa’ideysto doorka aas aasiga ah ee uu fanku ka ciyaaro karo in uu noqdo aalad lagu gaaro ahdaaf kale oo waaweyn.
- In fanku noqdo Albaab aan ka galno fahmidda dhaqanka iyo dhaqamada bulshooyinka
Fanka oo loo arko Qurux iyo Kayaan Iskiisa u Taagan!
Dunidan aan ka sheekeynay xaalkeeda allow sahalka noqday, ma jirto maanta wax ka muhiimsan in la qiimeeyo, loona dhaqmo fanka iyo guud ahaan fanaaniinta iyo ururrada ku fooggan fanka in uu yahay kayaan, qurux iyo shey iskiisa u taagan oo sidiisa ku qurxoon bu’na u ah horumar kasta.
Ayaandarro, maanta arrinku sidaas ma ahan, waayo fanka iyo guud ahaan waxa la xiriira culuumta bulshada waa la gacan bidixeeyay oo waa laga saaray miiska lasoo tubo ahmiyaadka bulshada, waxaa u dheer miisaaniyad dhimid lafa jebis ah oo lagu hayay sannadihii dambe deeqaha iyo lacagaha lagu bixiyo fanka iyo tan ugu muhiimsan oo ah in fanka loo arko madaddaalo iyo shey dheeri ah oo lagu dharag dhacsado intii loo arki lahaa shey muhiim u ah nolosha. Caqliyadda noocan ee u aragta fanka iyo farshaxanka in ay tahay aalad lagu madaddaaloodo waa in ay isbaddashaa, ma ahan keliya in fanaaniinta iyo farshaxanyahannada iyo ururrada fanka iyo madallada faneed aan ka helno farxad, reyreyn, qurux, xasilooni, iyo in ay ku kordhiyaan hal abuur nolosha iyo dalalka, ee waa in loo arkaa sidoo kale lagana loox jiitaa fanka quruxda nolosha, hab nololeedka bulshada, hagaajinta mujtamaca jir ahaan iyo maskax ahaan caafimaadkooda, in aan ka barannaa sidii aan u fahmi lahayn una xishmeyn lahayn quruxda kala duwanaanta hiddaha insaanka, dhaqamada, dadka iyo dalalka kale, islamarkaana loo tixgelin lahaa dhinacyada kala duwan ee nolosha, dabeecadda, deegaanka iyo noolaha kale ee aan benii aaddamka ahayn.(2)
Keliya intaas uun ma ahan e, fanka sidoo kale waxaa uu caawiyaa in ay sameysmaan qiyamyo, akhlaaqiyaad, hab nololeedyo cusub, afkaaro iyo tabab nololeed oo caawin kara in ay dunidu noqoto meel hagaagsan, ammaan ah oo benii aaddanimo iyo lexjeclo leh. Si loo gaaro taas waxaa lama huraan ah in fanka, fanaaniinta iyo ururrada ku foogganba ay helaan xorriyad iyo madaxbanaanida ah in ay si xor oo xudduud la’aan ah u godliyaan afkaarahooda iyo qiyaalkoodaba.
Himilladan quruxda badan sida keliya ee lagu xaqiijin karo waa in fanku noqdaa bu’da wax kasta halkii uu ka noqon lahaa shey la gacan bidixeyay oo aan ahmiyad lahayn. Dowladaha, iskaashatooyinka, ururrada, hay’adaha waxbarashada, dadka iyo dalalka waxaa lama huraan ah in ay aqbalaan oo si dhab ah ugu fara adeegaan ka yeelidda fanka bu’da iyo bartamaha qorsha kasta oo horumarineed, lana kordhiyo miisaaniyadda lagu bixiyo si qorshaha uu u taabbagalo.
Aragtidan ma ahan wax cusub oo waxaa kal horay ugu baraarugay xertii Rockefeller sannado badan horteed, aan soo cantoobsanno qeyb yar oo kamid ah warbixintoodii u dambeeysay ee Masraxiyaadka (The Performing Arts: Problems and Prospects) markii ay lahaayeen “Fanku ma ahan mid loogu talagalay uun dad kooban si gaar ah madaxyaweynta iyo labeenta bulshada, caksiga waxaa loogu talagalay bulshada oo idil, booskiisu ma ahan daraf mana mudna gacan bidixeys ee waa bu’da aasaaska bulshada, keliya ma ahan madaddaalo iyo cayaayir, waa bartamaha iyo asalka bedqabkeenna, farxaddeenna iyo deggenaanteenna”. (3)
Fanka oo ah Aalad lagu Gaaro Ahdaaf kale oo Waaweyn!
In Fanka iyo dhaqanka loo arko in ay yihiin kayaan madaxbanaan oo iskooda u taagan, waxaa dheer in ay yihiin aalad iyo wasiilo loo mari karo xaqiijinta ahdaaf kale. Qarnigii u dambeeyay, aad ayeey shaacsane u ahayd in fanka iyo dhaqanka guud ahaan loo adeegsado in lagu xaqiijiyo ahdaaf dhaqaalle, waana sababta balaayiin doolar loogu qarash gareeyo ka qeybgalka masraxiyaadka, dhacdooyinka faneed, booqashooyinka bandhigyada farshaxan iyo madxafyada, islamarkaana loola jidbeeysan yahay ka qeybgalka dhacdooyinka faneed sida qof dalxiise qariib ah oo kale, loo iibsado buugaagta, majaladaha, aflaamta, cajaladaha iyo muuqaallada fanned ee laga soo daayo telefeshannada kuwaas oo ahaa natiijada waxsoosaarka dhaqaalle ee majaalka fanka iyo dhaqanka (the arts and cultural industries)
Sannadihii dambe, isbaddal xooggan ayaa ku dhacay faa’iidooyinkii dhaqaale ee laga sameyn jiray fanka, waxaana la dhadhamiyay in fanka iyo dhaqanka laga heli karo faa’iidooyin bulsheed. (4). Sababo badan oo isbiirsaday ayaa door ku leh isweydaarkan xooggan ee dhacay, waxaana ugu tun weyn oo aan ka sheegi karnaa kala go’ii uu sababay safmarka Karoona kaas oo dadka u diiday in ay si toos ah uga qeyb qaataan ama u xaadiraan dhacdooyinka fanneed. Fanka oo door weyn ka qaata isku soo dumidda dadka caksiga kala geyntooda iyo hirgal noqoshada isdhexgal bulsho oo caafimaadleh, ogaal isweydaarsi iyo xiriir xidideystay oo dhex maray dadka, hay’adaha iyo daneeyayaasha kujira majaalka taas oo ka dhigtay shey xiisaha fanka dib boorka uga jaftay, tii oo ay dheer tahay in ay kacaameen aragtiyo iyo xaglo bulsheed oo ahmiyad siinaya fanka kuna jimeynaya qaar kamid ah ahdaafta horumarka bulsho ee ay dejisay Qaramada Midoobe (UNSDG’s).
Kacaankan cusub waa uu hanaqaadayaa, waayo fanku waa waaya aragnimo la wadaago iyo ruux qota dheer oo la hadleysa shucuurta dadka. Fanaanka waxaa uu si geesinnimo leh usoo bandhigaa dareenkiisa gudeed, halka dhageystayaashiisana ay ka falceliyaan, mid kasta waxaa uu leeyahay wax ay tahay in kan kale uu ka faa’iido ama uu ka helo. Fanaanniintu waxaa ay huraan in ay laab hadlaan oo dareen warramaan oo soo qufaan mashaacirtooda iyo waxa ay aaminsan yihiin, halka dhageystayaasha ay uga falceliyaan in ay wakhti geliyaan la falgelidda iyo falkinta weeraha iyo aragtiyaha dhiirrashada leh ee ka imaanaya dhanka fanaanka. ‘In aad noqoto fannaan ama gabyaa weyn, waa in ay jiraan dhageystayaal iyo daneeyayaal waa weyn’ waa tii uu yiri Walt Whitman mar uu dul istaagayay isku laabfurnaanta iyo isla falgalka ka dhexeeya fannaanka iyo taageerayaashiisa. (5)
Sida fanku uu faa’iidooyin dhaqaalle iyo mid bulsheedba u leeyahay ayaa uu haddana u leeyahay faa’iidooyin caafimaad iyo mid bedqabeed. Dhowrkii sanno ee u dambeysay waxaa laga sameeyay cilmi baarisyo tirabbeel ah mowduucan la xiriira fanka iyo caafimaadka maskaxda kuwaas oo ay sameyeen hay’ado aan ka xusi karno the International Arts+Mind Lab, NeuroArts Blueprint, Jameel Arts and Health Lab iyo kuwa kale.(6) Cilmibaarisyadan waxa ay daaha ka qaadeen in fanka uu kaalin aad u mug weyn kuleeyahay badqabka iyo hagaajinta caafimaadka guud ee qofka marxalad kasta iyo da’ kasta oo nolosha kamid ah. Tani waxa ay sababi kartaa ayaa ay leeyihiin khubarradu in ay isbaddal caafimaad u horseeddo maanka, jirka iyo maskaxda qofka. Dhammaan faa’iidooyinkan oo loo geeyay faa’iidooyin uu fanka u leeyahay deegaanka waxaa soo baxaya in fanku muhiim u yahay bulshada dhinacyadeeda kala duwan.
Ma ogtahay in fanaanniintu ay awoodaan in ay saameyn xooggan ku yeeshaan dabeecadda, deegaanka iyo noolayaasha kala duwan? Tani waxa ay ku dhacday sababta fanaanniin badan iyo u ololeeyayaal dhaqan oo badan waxaa ay xoogga saaraan dadka halkii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabaha maaddiga ah, waxa ay fanka ugu jiraan sidii ay u gudbin lahaayeen waaya aragnimooyin kala duwan, halkii ay suuq geyn lahaayeen waxsoosaar qaali ah maaddi ahaan. Joogso! Oo wax yar ka feker, deegaanka oo aan la naafeynin, noolayaasha kale oo aan la dhibaateen iyo xitaa dadka, annaga oo adeegsannay inta ugu yar ee nooga filan ee waxsoosaarka, oo dadku ay fadhiyadooda iyo kuraasta raaxada leh ee qolkooda qadada ay ku dangiigsan yihiin ama hoolka kunsheertada iyaga oo dhageysanaya hees cuddoon, daawanaya masraxiyad ka socota xarun dhaqan oo ku taalla tuulladooda ama ku feegaaraya sawirro iyo looxaad fanni ah halkii ay kaga mashquuli lahaayeen soo iibsashada baabuur qaali si ay iskaga dhisaan saaxibbadooda, qaraabadooda iyo oodwadaagtooda.
Faa’iidooyinkan qotada dheer ee laga sheegay fanka waxaa uu xitaa si tartiibtartiib ah lugaha ula galay fagaarayaashada siyaasadda, dad iyo dalal badan ayaa bilaabay in ay aqoonsadaan qiimaha fanka iyo madallada faneed sidoo kalena garawsaday inta ay la ekaan karto baaxad haddii uu burbur ku yimaado dalka xilliyada colaadaha. Tan waxa ay sababtaa aafo saameysa huwiyada qaran, dareenka isku sidkanaanta ummadda, lahaanshiyaha iyo qabka iyo ku faraxsanaanta dalka. (7)waxa ay dhaawacdaa qaabeynta ruuxdooda, maskaxdooda, nafafood iyo ruuxaaniyaadkooda. Waxa ay kala dhantaashaa isku xirnaanta jiilka maanta iyo kuwa berito waxaa meesha kabaxahab nololeedka tolmoon ee bulshada. Sidaas darteeda waxaa hadda bilaabayaan kacaan lagu boorinaya ahmiyadda ay leedahay ilaallinta, badbaadinta iyo ka fekeridda fanka iyo dhaqanka si looga baaqsado jahwareerka aan soo sheegnay.
Fanka oo ah Aalad aan Ku Fahanno Dhaqanka & Dhaqamada Ummadaha kale!
Maaddaama fanka uu yahay illinka laga galo dhaqanka, dhaqamada iyo ilbaxnimada bulshooyinka, tii oo ay jirto in dhawaanahanba uu jiray kacaan isku furan ah oo dadku ay xiiseynayeen dhaqanka, dhaqamada iyo hab nololeedka ummadaha kale, waxaa lagama maarmaan ah in la helo aalado naga caawin kara in aan si fudud u fahanno dhaqamadaas iyo ilbaxnimooyinkaas, aan ku magacawno Astaamo ama xitaa aalado. Aaladahan waa agabka ay nagu soo gaaraan fanka iyo dhaqanka ummadaha, aanna u adeegsanno dhuuxidda, la falgalidda iyo ku dheygaagidda fanka. Aaladahan ama astaamahan waa tirabbeel aan laga gayooneyn. Oo dhaqanka iyo ilbaxnimada ummad waxaa loo adeegsan karaa aalado sida gudbin muuqaalleed, qaab muusigeed, qaab riwaayadeed, hanaan suugaaneed, naqshado dhismeed, taallooyin, degello taariikheed, daraamooyin jiliin lagu laray, heeso calan, kuwa qaran, cunnooyinka, mahrajaannada, isku imaatinnada, ciyaaro dhaqameedyada iwm.
Haddaba, aan dhex maquuranno oo aan isku sii deyno gunta shishe ee mucjisada ‘Shaacsanaha Astaamaha’ iyo sida ay astaamaha farshaxaneed ay u noqon karaan astaan iyo xusuus lagu garto ummad dhan, aan tusaalle usoo qaadanno, sheeka faneeddii uu qoray Cervantes ee Don Quixote, muusigga Falamaangaha, iyo ciyaaraha kubbadda cagta waa astaamo muhiim ah oo lagu garto laguna xusuusto dhaqanka bulshada Isbaanishka.Si lamid ah burjigaEiffel Tower, kaaniisadda duugga ah ee Notre Dame, iyo beerta Claude Monet ee ku taalla Givernywaxa ay matalaan dhaqanka iyo ilbaxnimada Faransiiska. Waa halka dhaqanka Ingiriiska ay kaga jiraan riwaayadaha Shakespeare iyo heesta Pomp & Circumstance ee uu leeyahay Sir Edward Elgar. Haka tagin tegin markaTaliyaaniga la joogo, astaamaha waa weyn ee qofka kusoo dhaca islamarkaana xusuusta ku weyn waxaa kamid ah Colosseum, magaalooyinka Bunduqiyah (Venice) iyo Foloreensa (Florence), Taj Mahal iyo Gandhi marka India la joogo, derbigii weynaa ee Shiinaha iyo cunnooyinka farshaxaneysan marka laga hadlaayo Japan. Sidaas oo kale meel kasta oo dunida kamid ah sidaas ayeey u leedahay astaamo muhiim ah kuwaas oo ku lamaan jiritaanka ummaddaas ama lagu soo xusuusto.
Astaamahan ma ahan keliya kuwa shaacsane ka ah oo laga yaqaanno dalalka ku sifeysan, ee waa shaacsane caalami ah oo dunida oo idil ay taqaanno kuna xusuusato ummaddaas. Waan soo aragnay tusaalayaal badan oo wax badan nooga bidhaaminaya awoodda iyo saameynta ay leeyihiin astaamaha iyo sida ay muhiim ugu yihiin in ay wax ka sheegaan oo ay noo iftiiniyaan dhaqanka, dhaqamada iyo ilbaxnimooyinka ummadaha.
Waxa xiisaha leh ayaa ah in mahrajaannada iyo feestooyinka ay door aad u qota dheer ciyaaraan, maxaa yeellay waa kuwa si dhab ah u matala dalalka iyo dhaqamada ummadahooda, badanaa waxa ay soo jiitaan taageerayaal badan, iyo fanaanniin ka kala imaada daafaha dunida, waxaana loo qabta qaab aad u hagaagsan oo laga taxaddaray, waxaa intaas dheer waa dhacdo xilli kasta oo kamid ah sannadka la qaban karo, waxaana la doorbidaa in lagu qabto meel dibad ah oo bannaan caksiga intii la dooran lahaa meel dedan oo guda ah xilliyada Xagaaga. Waxaa marar badan ku lamaannan dhacdooyin taariikheed iyo waaya aragnimo gaamurtay taas oo aad usoo jiidata quluubta iyo laabta mucaashaqiinta fanka.
Bal inyar uun ka feker, inta feesto (festival) ee ka dhacday illinka hore ee dhismo qaddiim ah ama degel taariikheed ama beer indhuhu ku doogsadaan, ama xitaa aag si xilkasnimo leh loo dhowray oo ku taalla jiinka webi durduraya ama haro ugbaad iyo doog miiran ah. Markale ka feker feesto ka dhaceysa keyn isku cufan oo jiq ah halka ay ka dhici lahayd Hoolka Kunsheertada, ama Tiyaatar. Durba maankeyga waxaa kusoo dhacay mahrajaanka Donau Insel ee lagu qabto bartamaha webiga Danube ee Austria, ama mahrajaanka Osaka cherry blossom ee lagu qabto Japan, makula tahay in aan iloobi karo Athens Epidaurus festival ee isna Gariigga lagu qabto? Haka reebin Orvieto festival oo laga agaasimo Italy. Faanoole fara kama qodna e, haka reebin Tanglewood music and light festivals ee ka qabsooma beerta Tanglewood ee ku taalla carriga Mareykanka ka iyo Shakespearean festival oo isna ka dhaca Canada.
Dhadhansiga fanka waxaa door weyn ka ciyaara deegaanka iyo jawiga ku hareereysan feestada, markale ka feker, qalcadda sida quman loo qotomiyay kurka sare ee buurta foorarta ee kulaalleysa harada Bled ee dalka Slovenia islamarkaana ay ka ag dhowdahay kaniisadda billicda sare leh ee Our Lady of the Lake oo qotomisan bartanka haradaas quruxda badan. Ma aha oo keliya in goobahan iyo kumannaan xafladood oo kale oo caalamka ka dhaca in ay bixiyaan waayo-aragnimo farshaxannimo oo qoto dheer iyo dareen shucuur leh oo sii raarridan oo ay daawadayaashu ku raaxaystaan, balse sidoo kale waxa ay kordhiyaan quruxda dabiiciga ahiyaga oo matalaya deegaanka quruxda badan ee ay ku yaallaan, waxa ay sidaas oo kale abuuraan dareenno ruuxi ah oo aad u gun dheer, kuwaas oo marar badan ka qota dheer dabeecadda laftigeeda.
Alla maxay tahay hadaf weyn! iyo qaaya sare oo benii aaddamka iyo mustaqbalka dunida u sugnaaday! keliya nagama caawineyso in aan la dagaallanno isbaddalka cimillada, diirimoobidda dunida iyo mashaakisha kale ee la xiriirta deegaanka, sidoo kale waxa ay naga caawineysaa in aan hodminno, dabeecadda iyo deegaanka, kana dhigno mid ka tigaad iyo ildoogsi badan maanta iyo beri. markale waa kii yiri Huizinga xikmad aad ugu qalanta in loo adeegsado qodobkan.
“Bulshadu waxa ay si dhab ah ugu dhaadataa dhaqankeeda kolka ay si xilkasnimo ah ula falgasho una adeegsato dabeecadda iyo deegaanka ku hareereysan, dul ahaan, akhlaaq ahaan iyo ruuxaanniyad ahaanba, waana marka ay ku waajibto in ay hesho nolol u qalanta oo ka qurux iyo taya badan tii ay heysteen. Tani waxa ay dhacdaa marka dadku ku guuleystaan in ay si quman iskugu dheellitiraan qiyamka maaddiga ah iyo tan ruuxiga ah, ayna si wadajir ah ugu istaagaan xaqiijinta hadaf sarre”.
Tani waxaa ka dhalaneysa suurtagalnimada ah in la yagleelli karo xaalad jiraalleed oo ka xiisa iyo xallad badan duruufaha adag ee ka jira waaqaca maanta. Iyada oo laga faa’iideysannayo tiknolojiyadda casriga ah, maanta waxaa la awoodaa in dhulka korkiisa laga dhiso ‘Jannada ifka’ oo dadka iyo dalalkuna ay ka shaqeeyaan balaarrinta aqoontooda, iyo ogaalkooda, ayna muujiyaan is aqbalaad ku aaddan kala duwanaanta fanka iyo dhaqamada dunida, ayna u gogol xaaraan sidii loo lafaguri lahaa si loo adeegsado mustaqbal ifiya oo berri ah. (8).
Tan waa fekrad aad u xiisa badan oo xamaasaddeeda wadata, maxaa yeellay waxa ay keentaa farxad aad u weyn, yididdiillo iyo qanancsanaa gaari karta in ay gebi ahaanba baddasho nolosha benii aaddamka. sidaas oo kale ayaa ay feestooyinka iyo mahrajaannaadka u noqon karaan tusaalayaal cadcad oo dhabbaha u xaara arrinka.
Duni ay saldhig u tahay ilaallinta qiyamyada suubban ee fanka, dhaqanka iyo dhaqamada shaki la’aan waa dunida aan wada naawileyno ee heerka sare ah. Waa dunida na barta ka dhab sheegidda dareennadeenna iyo shucuurteenna, hal abuurka, waxbarashada, ruuxaaniyaadka, saaxibtinnimada, naxariista, jaceylka iyo benii aaddamnimada in ay yihiin arrimaha ugu qiimaha badan nolosha. Waxa ay dadku xusuustaan marka waxkasta oo kale la ilaabo. Qiyamyadan waxa ay keenaan farxad dhab ah iyo nabad, waxa ayna dadka ka caawiyaan in ay yeeshaan xasillooni gudeed iyo niyadsamaan, booskii khilaafaadka iyo dagaallada.
Marka aad u dhabba gasho waaqaca adduunka maanta iyo mustaqbalka, waa wax aad u adag in aad sawirrato sida dadka iyo dalalka ay ugu noolaan karaan waaqacan kakan ee qalafsan iyo waayahan wada hubanti la’aanta ah iyada oo aan si buuxda loogu arkin fanka iyo dhaqanka in ay yihiin aaladdii dhabta ahayd ee lagula falgali lahaa mustaqbalka halka mahrajaannaduna noqonayaan sahaydii loo adeegsan lahaa safarkaas qodxaha badan.
Dhammaad
Tixraacyo
1. Karl J. Weintraub, Visions of Culture: Voltaire, Guizot, Burckhardt, Lamprecht,
Huizinga, Ortega y Gasset (Chicago: University of Chicago Press, 1966), p. 216 (insert
and italics mine).
2. Eeg: D. Paul Schafer, The Arts: Gateway to a Fulfilling Life and Cultural Age (Oakville:
ON: Rock’s Mills Press, 2020, Third Printing, 2022); as well as D. Paul Schafer: The World
as Culture: Cultivation of the Soul to the Cosmic Whole (Oakville, ON: Rock’s Mills Press,
2022).
3. Rockefeller Panel Report, The Performing Arts: Problems of Prospects (New York: The
McGraw-Hill Companies, 1964).
4. Eeg Arnold Hauser, The Social History of Art, Vols. 1-4 (New York: Vintage Books,
Third Printing, 1960) as an illustration of this. Also see: Predag Cvetičanin, Mirico Petrić,
and Inga Tornić-Koludrović (eds.) Towards a Social Turn in Cultural Policy: A
Policymaker’s Guidebook. One of the Outputs of the Horizon 2020 Project – European
Inventory of Societal Values of Culture as a Basis for Inclusion.
5. Eeg, for example, Susan Magsamen and Ivy Ross, Your Brain on Art: How the Arts
Transform Us (New York: Random House, 2023).
6. D. Paul Schafer, ‘The Significance of Symbols in the Cultivation of Cultures as Whole
and Ways of Life,’ EdA Esempi di Architettura, Special Two Volume Issue of the
International Journal of Engineering and Architecture, Vol II, No. 2, January 26, 2024. pp.
36-51.
7. Karl J. Weintraub, Visions of Culture, op. cit., p.219.
8. Brian Holihan, Thinking in a New Light: How to Boost Your Creativity and Live More
Fully by Exploring World Cultures. (Summervale, CA. Full Humanity Press, 2016 (see
especially Chapter 13 on A Method for Finding Paradise on Earth, pp. 272-298).
Qoraaga
D. Paul SchaferWaxaa uu ka shaqeynayaa majaalka fanka iyo dhaqanka in ka badan lixdan sanno, isaga oo ah qoraa, aqoonyahan, lataliye iyo maamule. Waa aas aasaha ahna agaasimaha mashruuca World Culture Project oo fadhiggiisu yahay Markham, Kanada. Waa qoraaga buugaag iyo maqaallo ciiddaas ka badan oo ay ugu magac weyn yihiin‘The Age of Culture iyo The Great Cultural Awakening:Key to an Equitable, Sustainable, and Harmonious Age.
W/Q: D. Paul Scheffer
W/T: Abdiwahab Ahmed
Halkaan kala deg qoraalka oo PDF ah .