Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ka dhacay bu’aale lagu diley hoggaamiye Al-Shabaab ah
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka, ayaa duqeyn qorshaysan oo habeenimadii 26-ka Oktoobar 2025 ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna caan baxay Jacfar Gurey.
Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda Al-Shabaab, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan sida Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al-Shabaab, iyo Madaxa Dabagalka dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee kooxda.
Ninkan ayaa kaalin weyn ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee kooxda, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la wadaagay horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu.