Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey tillaabooyinka siyaasadeed ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo khadka taleefanka kula hadlay Mr. Massad Boulos, oo ah Lataliyaha Sare ee Dowladda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadajirka ah.
Intii lagu jiray wada-hadalkan, labada dhinac waxay xoogga saareen kaalinta muhiimka ah ee Mareykanka ku leeyahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyagoo adkeeyay ballan-qaadkooda wadajirka ah ee ku aaddan nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu dhawaan qaaday Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka qaateen xoojinta nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Wada-hadalkan ayaa qayb ka ah dedaalada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay saaxiibbada caalamka, si loo hormariyo amniga, horumarka, iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada dal.