Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee Shirkii Carta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, xubno ka tirsan mucaaradka, iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee Shirkii Carta.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Taallada Nabadda Soomaalida Carta, oo laga dhisay halkii ay ku taallay teendhadii lagu qabtay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya sanadkii 2000.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa lagu xusay Sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegtay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta, kaas oo dhidibada u taagay Dowladdii Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka kala socday labada dal, xubno ka tirsan ururrada caalamiga ah, diblomaasiyiin iyo dadweyne fara badan.
Taallada Nabadda, oo ah matxaf casri ah, waxaa lagu soo bandhigay taariikhda halganka, nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya laga soo bilaabo xornimadii 1960-kii ilaa sannadka 2025. Waxaa sidoo kale lagu xardhay sawirro iyo qoraallo muujinaya marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay siyaasadda, nabadeynta, iyo dib-u-heshiisiinta dalka Soomaaliya.