Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay dhiggiisa Jabuuti
				Sheeko:Madaxweynaha 10-aad			
			 
		Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Billad Sharaf Qaran guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo uga mahadceliyay kaalintiisa muuqata ee taariikhiga ah ee uu ka qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Jabuuti ayaa qayb ka ahayd xuska 25-guurada shirkii Carta ee 2000, kaas oo saldhig u noqday dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee saddexaad.
Billadan uu madaxweyne Xasan Sheekh ayaa billada guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah astaanta ugu sarraysa ee Qaran ee lagu maamuuso hal-door ana hoggaamiye kaalin weyn ku leh taariikhda Soomaaliya.