Hoggaamiye Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Bakool
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ciidamada amniga iyo saaxiibada caalamka ay xalay ka fuliyeen tuulada Abal, oo 21 km koonfur kaga beegan degmada Xuddur ee gobolka Bakool, lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Sida ay dowladda xaqiijisay, ninka la khaarijiyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofoow), waxaana uu ahaa amiirka xisbada saldhigga Al-Shabaab ee tuulada Abal.
Dowladda ayaa sheegtay in Goofoow uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarro argagixiso oo lagu dhibaateyn jiray shacabka ku nool gobolka Bakool.
Tuulada Abal ayaa sidoo kale caan ku ah in ay ahayd fariisimo muhiim ah oo uu sanado badan ku sugnaa Mukhtaar Roobow intii uu ka baxay Al-Shabaab, ka hor intuusan isu soo dhiibin dowladda Soomaaliya. Mudadii uu halkaas joogay, tuulada waxaa difaac ka ahaa ciidan beeshiisa ah oo dhowr jeer dagaallo culus la galay Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga suuliyo kooxda, iyadoo shacabka gobolka Bakool ku dhiirrigelisay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.