U bood dhigaalka

Afduubyada dadka iyo dagaal beeleedyada gobollada galguduud oo sii kordhaya

Wararka ka imanaya waqooyiga gobolka Galgaduud iyo deegaannada ku dhow xuduudda u dhaxaysa Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan falalka afduubka haweenka iyo carruurta, iyadoo xaalad murugsani ay halkaas ka taagan tahay.

Falal naxdin leh oo hooyooyin iyo carruur lagu diley ayaa maalmihii la Soo warinayay gobolkaas,
ayadoo dhacdooyin afduub ahi ay aaggaas ka dheceen sida ay xoguhu sheegayaan.

Dhanka kale, warar kale ayaa tibaaxaya in askar ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) lagu dilay meel u dhow xadka gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, afar askari oo la sheegay in ay ahaayeen askar NISA dhalasho ahaanna ka Soo kala jeeda Hiiraan iyo Galguduud lagu dilay dagaal u muuqday mid aano qabiil salka ku haya.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in dilka askarta uu salka ku hayo aar-goosi u dhaxaysa maleeshiyaad beeleed isku haya deegaanno ku teedsan xuduudda labada gobol.

Xaaladda guud ee amniga ee waqooyiga Galgaduud ayaa weli cakiran, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan maleeshiyaad habeenkii ku Soo dheelmanaya oo xittaa dumarka iyo carruurta laynaya ama afduubanaya.

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa dhowaan baaq nabadeed ka Soo saartay colaadaha beelaha oo si xun ugu sii baahiya qaar kamid ah gobollada dalka, weli ma jirto tillaabo dhab ah oo wax ka qabashada arrintaas loo qaaday.