Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday warshado iyo goobo taariikhi oo ku yaalla Aljeeriya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Aljeeriya oo lagu xasuusto halyeeyadii u nafwaayey halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas, isagoo muujiyey taariikhda halgan-wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka mid ahaa dalalkii ka wada shaqeeyey xornimadii Afrika.
Madaxweynaha oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan waxsoosaarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay Maamulka iyo Agaasinkooda.