U bood dhigaalka

Saraakiil ciidan oo loo xiray weerar lagu qaaday guriga Wasiirka Qoyska Soomaaliya

Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta la wareegtay baaritaanka kiiska la xiriira weerarkii Todobaadkii hore lagu qaaday guriga Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Kiiskan ayaa galay wajigiisa sharci ee rasmiga ah, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu amray in la xiro oo maxkamadda la horgeeyo saraakiishii ku lugta lahaa weerarka.

Eedeysanayaasha la hayo

Maxkamadda ayaa maanta gacanta ku haysa:

Taliyaha Booliiska Saldhiga Waaberi, Cali Cumar Jareere

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Haramcad, Bakar Abuukar Cali

Labadan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci–darro ah u weerareen guriga ay degan tahay Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi, iyagoo isku dayay inay si xoog ah uga soo saaraan gaadiid ciidan oo yaallay gudaha guriga – gaadiidkaas oo la sheegay inuu leeyahay saygeeda, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna Wasiir hore oo Federaalka ka soo qabtay xilal kala duwan.