U bood dhigaalka

Ciidanka Galmudug oo weerar ku qaaday Saldhig ay lahaayeen Kooxda Shabaab

Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr, xalay ka fuliyeen aagga deegaanka Ceelahelay ee gobolka Galgaduud ayaa lagu beegsaday goob ay ku jireen koox ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa u sheegay in meydadka ugu yaraan toddoba ka tirsan Shabaab ay yaallaan goobtii lagu weeraray, halka tiro kale ay ku firxadeen oo weli lagu raad jooggo, sida ay sheegeen.

Iyagoo qiray in gudaha goobtii lagu sugay maleeshiyada laga saarayo gabi ahaanba, saraakiishu waxay tilmaameen in sababo la xiriira habeenimada aysan weli si rasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha buuxa ee kooxda soo gaaray.

Wixii kusoo kordha kala Soco