Ra’iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigey dhismaha Machadka cilmi-baarista Beeraha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay inay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.
“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an inay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan inay maalgeliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.
“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah inay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.