Canada oo uga digtay safarka Soomaaliya, muwaadiniinteeda kuna amartay inay degdeg uga baxaan
Dowladda Canada ayaa maanta soo saartay digniin cusub oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya, iyada oo si adag uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriira amni-darro sii kordheysa.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ayaa lagu sheegay in xaaladda amniga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ay aad u liidato, islamarkaana ay jirto khatarta weerarro argagixiso oo ka imaan karta kooxaha hubeysan.
Canada waxay ku boorisay muwaadiniinteeda:
In aysan gabi ahaanba u safrin Soomaaliya
Kuwa hadda ku sugan dalka in ay si degdeg ah uga baxaan, maadaama xaaladda ammaanka aysan la saadaalin karin
Dowladda Canada ayaa sheegtay in aysan awoodi karin inay si dhakhso ah u caawiso muwaadiniinta haddii ay xaalad degdeg ahi ka dhacdo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhalatay xadgudubyada amni ee sii kordhaya.