U bood dhigaalka

DFS oo war ka soo saartay howlgal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaannada Galmudug iyo KGS

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad hubeysan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed at dowladda Soomaaliya soo saartay.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad lagu carqaladayn jirey amniga aaggaas.

Hubka laga soo qabtay goobta howlgalka waxaa ka mid ahaa afar qori AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay maleeshiyaad hubeysani kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 km dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere.

Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha weerarka oo lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo dowladdu soo saartay.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay wadada isku xirta Garasweyne iyo Moragabey, oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa lagu beegsaday koox kale oo maleeshiyaad ah.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 ka tirsan kooxahaasi hubeysan, kuwaas oo ay ku jireen shaqsiyaad muhiim u ahaa abaabulkooda, waxaana ciidamada soo qabteen laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada ragga la dilay waxaa ka mid ah:

Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin

Aadan Maxamed Same

Cabdullaahi Aadan Dheere

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu xaqiijinayo amniga bulshada.