Puntland oo war ka soo saartay duqeymo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay buuraleyda calmiskaad
Duqeymo culus ayaa goordhow lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo ku sugnaa deegaanka Ceelka Maragade ee Togga Baallade, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka Puntland.
War-saxaafadeed uu soo saaray talisku, waxaa lagu sheegay in duqeynta ay fulisay saaxiibada Dowlad Goboleedka Puntland ee Mareykanka, kuwaas oo taageeraya ciidamada Puntland ee wadday howlgal isugu jira cir iyo dhul, ujeeddadiisuna tahay in lagu wiiqo kooxaha ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal-Miskaad.
Taliska ayaa sheegay in
Duqeynta lala beegsaday kooxo hubeysan oo ku sugan Ceelka Maragade ee Togga Baallade, waxaana duqeynta fuliyey Maraykanka.
Howlgalka Hillaac, oo hadda maraya wejigiisa gabagabada, ayaa la xaqiijiyay in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada Difaaca Puntland qaadeen tallaabooyin militari oo keentay in la gaaro guulo la taaban karo, iyadoo tiro ka mid ah maleeshiyada ku sugneyd aagga laga saaray goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgalka ayaa weli soconaya, waxaana Puntland ay sheegtay in qorshaha amniga ee gobolka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda.