Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey haweenay la sheegay inay ninkeeda ku dishay degmada Deyniile
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa saacado ka hor gacanta ku dhigay haweeney lagu eedeeyay dilka ninkeeda, kaddib dhacdo naxdin leh oo ka dhacday degmada Dayniile, gaar ahaan waaxda Kor-Damac.
Marxuumka, oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Nuur, ayaa u geeriyooday dhaawac toorey oo la sheegay in ay u geysatay xaaskiisa.
Booliska ayaa sheegay in falkani uu dhacay xilli ay lamaanuhu ku sugnaayeen gurigooda, iyadoo sababaha keenay dhacdadan wali baaritaan lagu wado.
Haweeneyda la qabtay oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cusmaan ayaa hadda ku jirta gacanta ciidamada Booliska.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh marka baaritaanka hordhaca ah la soo gabagabeeyo.