Madaxweyne Xasan Sheekh ” Siyaasiyiinta indhohooda ha ku arkeen quruxda iyo amniga magaalada ka jira”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal u muuqda duur xul siyaasadeed u jeediyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku boorriyay inay ka soo baxaan guryaha iyo huteellada ay ku sugan yihiin oo ay indhahooda ku soo arkaan amniga iyo bilicda caasimadda.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri: “Nimanka guryaha ku jira, Muqdisho quruxdeeda iyo amniga soo arka, oo waxaad hubtaan sheega” .
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid saacado kooban kadib markii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xalaado culus oo la xariira waxqabad la’aan dowladeed, iyo gaajo iyo saboolnimo, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo kasii daraya.
Farmaajo ayaa waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta la tacaalayaan xaalad nololeed oo ah kuwii ugu xumaa sannadihii lasoo dhaafay,” isagoo ku baaqay in dowladda ay ka shaqeyso xallinta xaaladaha adag ee shacabka soo foodsaartay, islamarkaana la kordhiyo mushaarka ciidamada.