U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb-galaya Madasha Caalamiga ah ee MEdays ee dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambabaxay magaalada Tanger ee dalka Marooko, si uu uga qeyb-galo Madasha sanadlaha ah ee MEdays, oo sanadkan ay ka soo qeyb-galayaan wufuud ka kala socota 120 dal, islamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko.

Madashan oo lagu qabanayo kal-fadhigeedii 17-aad, ayaa ah goob muhiim ah oo lagu falanqeeyo isbeddellada xawliga ku socda siyaasadda caalamka, xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka dunida.

Inta uu shirka socdo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu jeedin doonaa khudbad muhiim ah oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga iyo dowladnimada, iyo doorka Soomaaliya ee iskaashiga gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu kulammo gaar-gaar ah la yeesho madaxda iyo wufuudda ka kala socda dalalka ka qeybgalaya shirka, isagoo uga faa’iideysanaya fursadda madasha si uu kor ugu qaado xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.