U bood dhigaalka

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Alshabaab oo ku howlanaa falal basaasnimo iyo carqaladayn amni isugu jira

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ay qabatay shabakad Alshabaab oo ka kooban ilaa 11 xubnood, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso, basaasnimo, iyo qorshayaal lagu beegsanayay kaabayaasha amniga ee dalka.

NISA ayaa sheegay in xubnahan ay muddo ka howlgalayeen gudaha magaalada Muqdisho iyo deeganno ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka wadeen howlo amniga lid ku ah.

War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu xusay in ciidanka Sirdoonka Qaranka ay hayeen xog dhammeystiran oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada iyo xiriirada shabakadda, taas oo u suuragelisay in mid mid loo soo qabto, xilli ay qaar ka mid ah ku jireen falal dambiyeedyo toos ah.

“NISA waxay sii wadaa howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo shabakadaha ku howlan amni-darrada. Xubnahan la qabtay waxaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh si looga qaado tallaabo sharci ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda.

Hay’addu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan sugidda amniga dalka, isla markaana soo wargeliyaan wixii macluumaad ah ee la xiriira dhaqdhaqaaqyada argagixisada.