Booliska oo Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay askari loo haysto inuu ku xadgudbay muwaadiniin ku sugnaa suuqa Xamar weyne
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Xamarweyne, ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane D/le CIDX Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharciga ka baxsan ula dhaqmay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay Suuqa Xamarweyne.
Wararka kasoo baxay Booliska ayaa sheegaya in eedeysanaha la qabtay intii lagu guda jiray howlgal amni oo lagula xisaabtameyay shaqaalaha dowladda ee ku takri-fala awoodda loo igmaday.
Boolisku waxay xaqiijiyeen in Cabdifitaax Maxamed Ibraahim uu hadda ku jiro xabsiga, isla markaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loogu marsiiyo habraaca sharciga ee ku cad xeerarka dalka.
Sidoo kale, taliska Booliska ayaa farriin adag u diray hay’adaha kala duwan ee amniga, iyagoo ku boorriyay in ay u hoggaansamaan waajibaadkooda sharciga ah, ayna dhowraan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen difaacidda naftooda iyo hantidooda.