U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay kala wareegtay baabuur loogu talo-galay Hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala wareegay Hey’adda UNDP gawaari loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gawaaradani ay qeyb ka qaada doonaan xoojinta iyo tayeynta hey’adaha amniga dalka, isla markaana loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed. Isaga oo uga mahadceliyey hey’adda UNDP taageerada ay siiso Soomaaliya.

Gawaaridan oo tiradoodu gaarayso lix, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hey’adaha amniga dalka, iyada loo marayo mashruuca JPP Face 2 oo ah barnaamij uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU) ayna fuliyaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka, kaas oo diiradda saaraya, tayeynta adeegyada Booliska, Tababarrada iyo xirfadaha amni, Casriyeynta qalabka iyo gaadiidka iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.