Dowladda oo duqeyn ka fulisay mid ka mid ah magaalooyinka ay kunool yihiin Horjoogayaasha Shabaab
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan ay xalay ka fulisay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
NISA, oo farriinta ku baahisay barteeda X, waxay sheegtay in howlgalka uu ku dhammaaday guul, iyadoo la bartilmaameedsaday goobaha ay kooxdaasi ku dhuumanayeen.
Howlgalka Jilib ayaa qeyb ka ah duqeymo iyo weerarro qorsheysan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fulisay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, si loo wiiqo awoodda Shabaab loona xoojiyo amniga shacabka.
Ma jirto Wax faahfaahsan oo ay ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi.
Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan ay xalay ka fulisay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.