U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay doon sidday Waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo

Puntland ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay xeebaha  magaalada Eyl, lagu qabtay doon sida shixnad isugu jirtay qalab kiimikooyin ah iyo agab kale oo khatar ku ah amniga, kuwaas oo si qarsoodi ah looga soo geliyay dalka.

Howlgalka ayaa ka dhacay xeeb ku dhow magaalada Eyl, halkaas oo ciidamadu ay ku qabteen doon sidday noocyo kala duwan oo kiimikooyin ah oo loo adeegsado bacriminta iyo sunta beeraha, kuwaas oo si khaldan loo adeegsan karo, isla markaana halis ku ahaa amniga, badqabka deegaanka, kalluumaysiga iyo caafimaadka bulshada.

Sida ay wararku sheegayaan, 7 ruux oo doonida saarnaa ayaa la qabtay, kuwaas oo 2 ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, halka 5 kalena ay Soomaali yihiin.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyay hay’adaha ammaanka si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, loona hubiyo ujeeddada rasmiga ah ee shixnadda ay soo geliyeen.

Xeeldheereyaasha amnigu sida ay sheegeen kiimikooyinka iyo budada loo adeegsado bacariminta beeraha ama sunta lagu dilo cayayaanka dalagga waxyeeleeya sidoo kale waxaa laga samayn karaa qaraxyo, ayadoo sanado ka hor arrintaasi ay sababtay musiibo ka dhacday deked ku taalla dalka Lebanon oo qarax ka dhacay uu dhimasho badan iyo burbur baaxad leh horseeday.