Dal Soomaaliya deris ah oo lagu wareejinayo hannaanka difaaca hawada SPYDER ee ay Israa’iil soo saarto
Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay dhowaan gacanta ku dhigto nidaamka difaaca hawada ee SPYDER, kaas oo ay soo saarto Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu oo xariir wanaagsan la leh Kenya ayaa ku wareejiyay nidaamka difaaca hawada ee SPYDER si loo adkeeyo amniga cirka ee dalkaas, sida ay warbaahinta dunida qorayso.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa laga soo xigtay in dalkiisu uu Kenya hadiyad ahaan ugu wareejiyay nidaamka casriga ah ee difaaca hawada ee SPYDER, tallaabo lagu xoojinayo amniga hawada Kenya iyo la-dagaallanka khataraha cirka ee isa soo taraya.
Nidaamkan SPYDER (Surface-to-air Python and Derby) ayaa ah mid ka mid ah nidaamyada ugu horumarsan ee Israa’iil soo saarto, kaas oo awood u leh in uu la dagaallamo diyaaradaha, gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Netanyahu ayaa sheegay in hadyaddani ay muujinayso xiriirka istiraatiijiga ah ee qotada dheer ee u dhexeeya Israa’iil iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, sirdoonka iyo la-dagaallanka argagixisada.
Dowladda Kenya weli kama hadlin arrintan, balse Israa’iil waxay sanadihii la soo dhaafay xoojinaysay xariirka kala dhexeeya dalalka geeska afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, xilli ay Soomaaliya dhowaan si adag u beenisay inuu jiro xariir kala dhexeeya talaabiib.