Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno kala duwan ku ridday koox dil, dhaawac iyo dhac ka geysatay Muqdisho
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday eedeysanayaal lagu helay dambiyo isugu jira dil, dhaawac iyo dhac hubeysan oo ka dhacay Caasimadda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay in dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) lagu xukumay dil toogasho ah (qisaas), kadib markii lagu helay dilkii Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim, oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmada Dayniile. Dilkaasi wuxuu ka dhacay Degmada Dayniile 7-dii Bishii Juun ee sanadkan. Maxkamaddu sidoo kale waxay ku xukuntay in uu bixiyo moobeel iPhone Mini ah iyo bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay marxuumka.
Sidoo kale, dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah. Halka dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) iyo Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) ay Maxkamaddu ku wada xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.
Dhinaca kale, Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna Qabad) ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in dhammaan eedeysanayaasha lagu xukumay ay wada bixiyaan moobeelladii iyo hantidii ay ka dhaceen dhibaneyaasha.
Intaa waxaa dheer, Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) iyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna Qabad) ayaa si gaar ah loogu xukumay in ay bixiyaan magta iyo qarashaadka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.
Maxkamaddu waxay sidoo kale xukuno ku ridday laba eedeysane oo maqnaa, kuwaas oo kala ah Cabdishakuur Eelaay iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga), iyadoo mid kasta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale, dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan ah, halka Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ay Maxkamaddu xorriyaddiisa siisay kadib markii dambiyada lagu waayay.
Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Xasan Shuute, ayaa sheegay in xukunnadan ay fariin cad u dirayaan cid kasta oo ku lug leh falalka amni-darro, isla markaana Maxkamaddu ay ka go’an tahay in caddaalad la marsiiyo dhammaan kiisaska la horkeeno.