Ammaanka Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa saaka wajahaysa xaalad amni oo aad loo adkeeyay, iyadoo lagu waddo in maanta ay halkaasi gaaraan Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaarayaal hore iyo dhammaan xubnaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka Jubbaland oo garabsanaya kuwa AUSSOM ayaa si ballaaran loogu daadiyay waddooyinka muhiimka ah, xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo goobaha lagu wado in ay ka dhacaan kulamada siyaasadeed. Waxaa sidoo kale la xiray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn, iyadoo la adkeeyay baaritaannada lagu sameynayo gaadiidka iyo dadka socodka ah.
Imaanshaha hoggaamiyeyaashan siyaasadeed ayaa la xiriira shir ballaaran oo ay qorsheynayaan mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta, kaas oo lagu wado in uu ka furmo Kismaayo, laguna gorfeyn doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka taagan, iyo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.
Ilo amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan lagu xaqiijinayo badqabka madaxda la filayo iyo ka qaybgalayaasha shirka, maadaama ay jirto walaac la xiriira amniga guud iyo halista weerarro argagixiso ama falal qalqal gelin kara shirka.
Bulshada ku dhaqan Kismaayo ayaa si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada socda, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada kulamada mucaaradka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan jihada siyaasadda Soomaaliya.