NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan ay ku disay ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidammada ammaanku ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, howlgalka ayaa lagu dilay ilaalo sargaal xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo ku sugnaa bar-hubin oo ay halkaas ka sameysteen.
NISA ayaa sidoo kale caddeysay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii la helay xog sirdoon oo sugan, taas oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyada kooxda ee gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in NISA ay ka go’an tahay sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, lana xoojinayo howlgallada lagu adkaynayo amaanka.