U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 82 Jirsaday

Maanta oo ku beegan 20-ka Diseembar, waxa si rasmi ah u buuxsamay 82 sano tan iyo markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhisay 20-kii Diseembar, sanadkii 1943.

Tan iyo maalintaas taariikhiga ah, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay noqdeen laf-dhabarta amniga gudaha, ilaalinta sharciga, kala dambeynta iyo xaqiijinta nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ma wada aas-aasmin hal mar, balse waxay si tartiib ah u samaysmeen intii u dhaxaysay 1943 illaa sanadihii xigay, iyadoo la raacayo baahida amni ee dalka.

Qeybahaas waxaa ka mid ah:

Booliska Ilaalinta Degmooyinka iyo Bulshada

Booliska Taraafikada (Gaadiidka)

Booliska Baarista Dambiyada (CID)

Booliska Ilaalada Xaruumaha Dowladda
Booliska Ka-hortagga Rabshadaha iyo Amniga Dadweynaha

Qeybahan dhammaantood waxay ka dhasheen hal hay’ad oo qaran, kuna dhisan mabda’a ah ilaalinta shacabka, sharciga iyo dowladnimada.

Doorka iyo Naf-hurnimada Booliska Soomaaliyeed

Muddo 82 sano ah, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay muujiyeen geesinimo, samir iyo waajibaad-ilaalin, iyagoo wajahaya duruufo adag oo amni, dhaqaale iyo mid bulsho.