Madaxweyne Xasan Sheekh” booliisku ma ahayn hay’ad gabowday ee waa ciidan casri ah”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in inkastoo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay jirsadeen 82 sano, haddana aysan taasi ka dhignayn in uu yahay hay’ad gabowday, balse ay yihiin ciidan casri ah oo la jaanqaadaysa waqtiyada cusub iyo baahiyaha amniga ee dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad-guurada 82-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay kaalinta muhiimka ah ee Booliska Soomaaliyeed ay ka qaataan sugidda amniga, ilaalinta sharciga, iyo daryeelka shacabka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay xoogga saarayso casriyeynta, tayeynta tababarrada, iyo qalabeynta ciidanka si ay ula jaanqaadaan caqabadaha amni ee jira.
Booliska waa ciidan kaalin muhiim ah ka qaata ilaalinta sharciga, ka hortagga dambiyada, sugidda amniga dadweynaha, iyo la shaqeynta hay’adaha kale ee amniga, balse midka Soomaaliya oo haatan 82 jirsaday ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ku hor gudban inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.