Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay askar loo haysto inay hub ku dhex wateen caasimadda
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda iyo Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa timid kadib hawlgallo amni oo ay ciidamadu ka fuliyeen qaybo ka mid ah caasimadda, kuwaas oo lagu xaqiijinayo sugidda amniga iyo ka hortagga hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex wato magaalada.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta amniga, askartan la qabtay ayaa baalmaray awaamiirta ay soo saareen hay’adaha amniga, kuwaas oo si cad u faraya in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda.
Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu adkeynayo amniga guud, laguna xakameynayo fal kasta oo halis gelin kara nabadgelyada shacabka.
11-ka eedaysane ee la qabtay ayaa haatan ku jira gacanta Booliska, waxaana la filayaa in loo gudbiyo maxkamadda ay khusayso si sharciga loo waafajiyo, loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa horay u soo saaray amarro amni oo lagu mamnuucayo in askarta aan shaqada ku jirini ah hub ku dhex wataan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.