Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar lagu kordhinayo muddada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo hadda sii shaqayn doona illaa dabayaaqada sannadka soo socda.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay Soomaaliya wajahaysay caqabado dhanka amniga ah, isla markaana uu socdo geeddi-socodka kala-guurka mas’uuliyadaha amni ee laga wareejinayo saaxiibada caalamiga ah loona wareejinayo hay’adaha amniga ee dalka.
AUSSOM waa hawlgal nabad-ilaalin iyo taageero amni oo hoos taga Midowga Afrika, loona aas-aasay in uu gacan ka geysto xasilinta Soomaaliya, taageeridda kala-guurka amniga, iyo la dagaallanka kooxda al-Shabaab, iyadoo si dhow loola shaqeynayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo hay’adaha kale ee amniga.
Dhanka kale, Golaha Ammaanka ayaa go’aamiyay in Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u soo afjari doono hawlihiisa bisha Oktoobar 2026.
UNTMIS ayaa tan iyo markii la aas-aasay bixinayay taageero siyaasadeed, mid farsamo iyo mid talo-bixin ah oo ku aaddan dhismaha hay’adaha dowliga ah, dib-u-habaynta amniga, iyo diyaarinta wareejinta buuxda ee mas’uuliyadaha hoggaamineed ee dalka.
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, wuxuuna ka shaqeynayay Soomaaliya muddo ku dhow 15 sano, ayadoo dhowr xilli muddo kordhin loo sameeyay, islamarkaana magaca laga bedelay.