U bood dhigaalka

Dowladda Isku tagga Imaaraadka Carabta oo si adag u cambaareysay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland, taas oo ay ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta lagu ilaaliyo madax-bannaanida dalalka.

Wakiil ka socday dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadlay kulan degdeg ah oo ay Jaamacadda Carabta ka yeelatay Aqoonsigii Israa’iil ee Soomaaliland, ayaa sheegay in Imaaraadku uu si cad uga soo horjeedo Aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay dhaawacayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta waxay sheegtay in ay waajib tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aan la aqbali karin tallaabooyin hal dhinac ah oo ka hor imaanaya go’aannada caalamiga ah iyo kuwa ururrada gobolka, gaar ahaan mowqifka mideysan ee Jaamacadda Carabta.