KOOXDA TRUMP OO FALCELIN KA BIXISAY GUDDOONKA SOOMAALIYA EE GOLAHA AMNIGA
Kooxda madaxweynaha la shaqeysa ee dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa xalay si weyn uga falceliyay hoggaanka ay Soomaaliya la wareegtay ee shir guddoominaya Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Arrintan oo hadal hayn badan dhalisay ayaa keentay inuu ka hadlo ergayga Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, isagoo sharaxaad ka bixiyay nidaamka ay ku shaqayso hay’addu.
Ergayga ayaa caddeeyay in guddoomiyenimada Golaha Ammaanku ay tahay mid si joogto ah ugu wareegta 15-ka dal ee xubnaha ka ah, iyadoo loo eegayo habka xuruufaha alfabeetada, waxaana dalkastaaba uu xilka hayaa muddo 30 maalmood ah.
Safiirka ayaa muujiyay walaac isagoo tilmaamay in nidaamkani uu yahay mid caqabad weyn ku ah hufnaanta shaqada, maadaama xilka dalka loo dhiibayo aan loo eegin xaaladdiisa amni ama miisaanka uu caalamka ku leeyahay, balse lagu saleeyo oo kaliya nidaam xuruuf ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay in Soomaaliya ka dib uu xilka kala wareegi doono dalka UK bisha Febraayo, halka dalka Maraykankuna uu hoggaanka golaha la wareegi doono bisha Maarso ee soo socota.
Falcelintan ka timid kooxda Trump ayaa muujinaysa isha adag ee ay ku haystaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ka socda xarunta Qaramada Midoobay iyo sida ay u doonayaan isbeddel lagu sameeyo nidaamka hadda jira.