U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo Gacanta ku soo dhigey Askari lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay dad shacab ah

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu magacaabo Sakriye Cabdi Ibraahin, kaas oo lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay dad rayid ah gudaha Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan, eedaysanaha ayaa ahaa Guddoomiye Laameed oo ka tirsanaa Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana falka loo haysto uu sababay cabsi iyo walaac bulsho, iyadoo laamaha ammaanku ay si degdeg ah uga jawaabeen dhacdada.

Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in eedaysanaha uu hadda ku jiro gacantooda, islamarkaana lagu wado in si waafaqsan sharciga dalka loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh si loo mariyo cadaaladda.

Laamaha ammaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo badbaadada shacabka, iyagoo xusay in cid kasta oo ku xadgudubta nabadgelyada bulshada lala tiigsan doono sharciga, iyadoon loo eegin xil ama mansab uu hayo.

Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Degmada Yaaqshiid iyo guud ahaan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana warbixiyaan fal kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.