NISA oo khaarajisay Injineerkii qaraxyada Al-Shabaab oo Mareykanku lacagta badan ku raadinayay
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaacisay in hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo ahaa madaxii qaybta qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay degmada Jilib taariikhdu marka ay ahayd 10-kii bishii Diseembar.
Cabdullaahi Cusmaan, oo loo yaqaannay “Injineer Ismaaciil,” ayaa ahaa khabiirka ugu sarreeya ee dhanka qaraxyada ee hoggaanka kooxda, isagoo sidoo kale mararka qaarkood madax ka noqon jiray qaybta warbaahinta ee kooxdaas.
Injineer Ismaaciil waxa uu horay ugu jiray liiska dadka ay dowladda Mareykanka lacagta dul dhigtay, iyadoo madaxiisa lagu doonayay lacag dhan $5 milyan oo doollar.
NISA ayaa sidoo kale xaqiijisay in hawlgalka lagu dilay sarkaalka kale oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Maxamed Xirsi oo loo yaqaannay “Qorlex”.