Ciidanka Danab oo howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay
Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen hoggaamitaal ka tirsan Kooxda, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray hoggaamiyaal iyo dagaalamayaal halkaas ku sugnaa.
Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ku taallay deegaankaas, sida lagu sheegay war ay ciidamadu soo saareen.
Hawlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah hoggaamiyaashii ugu sarreeyay kooxda, isla markaana saacado ka hor ciidamada dowladdu ay guul weyn ka soo hooyeen dagaal ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.