CIIDANKA DANAB OO HAWLGAL GAAR AH KA FULIYAY DEGMADA JILIB
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorsheysan oo dhinaca cirka iyo dhulka isugu jiray ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Hawlgalkan oo dhacay xilli habeenimo ah, ayaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, halka gacanta lagu dhigay 8 kale oo hadda ku jira gacanta ciidamada amaanka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, hawlgalkan ayaa muujinayay horumarka weyn ee Ciidanka Soomaaliyeed ay ka gaareen adeegsiga tignoolajiyada iyo gaadiidka cirka, taas oo u sahashay inay cadowga ugu tageen fariisimaha ay ku dhuumaalaystaan xilli kasta iyo goob kasta.
Degmada Jilib oo ah xarun muhiim u ah Al-Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay kartida iyo geesinimada ay muujiyeen ciidamada Danab, waxayna ballanqaadday in hawlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa inta dalka laga sifaynayo haraadiga Shabaab.