U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku soo qabtay walxa qarxa

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Alshabaab, ayaa inta uu socday ciidanka waxa ay gacanta ku dhigeen qaraxyo kooxda ay sameeyeen iyo agabyo kale, waxana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa Alshabaab.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgallo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Alshabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalku.