Maxaa looga hadlayaa Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa gaaray hoyga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Booqashadan ayaa ahayd mid aan horay loo sii shaacin, waxaana labada masuul ay hadda ku jiraan kulan albaabadu u xiran yihiin, kaas oo ka socda guriga Madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Ilaa iyo hadda ma cadda ajandaha rasmiga ah ee kulanka, balse ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadalladu la xiriiri karaan arrimaha siyaasadda dalka, xaaladda amniga, iyo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan marxaladda uu dalku marayo.
Kulanka labada masuul ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda dalku ay meel adag marayso, islamarkaana Israa’iil ay ku soo xadgudbtay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.