Wasaaradda Gaashaandhigga oo Shaacisay Hawlgal Lagu Dilay Xubno ka Tirsan Al-Shabaab
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Ceel Cilaan oo qiyaastii 30 km dhanka bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Hawlgalkan oo dhacay 06-da Janaayo, 2026, ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku hayay shacabka deegaankaas.
Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, ciidanka ayaa intii uu hawlgalku socday ku dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, sidoo kale waxaa gebi ahaanba la burburiyay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cilaan.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna dhowrayo nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay hoosta ka xariiqeen inay sii socon doonaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ilaa laga gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata guud ahaan dalka.