U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorshaysan ka Fuliyay Gobolka Jubada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo si guul leh uga dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarumo ay shabaab u adeegsadaan jireen soo saarista iyo diyaarin qaraxyada, kuwaas oo khatar ku ahaa amniga iyo nolosha shacabka.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in goobihii la bartilmaameedsaday si buuxda loo burburiyay, isla markaana lagu jabiyay awooddii maleeshiyaadku halkaas ku lahaayeen.

Sidoo kale, duqaynta lagu fuliyay howlgalka ayaa lagu dilay ilaa 18 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, kuwaas oo ku jirey injineerro u qaabilsanaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana adkeeyo dadaallada lagu dardar-gelinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Ciidanku waxa ay caddeeyeen in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro Shabaab, lana sugo badbaadada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.